Responsive Advertisement

sidee jadwal loo samaystaa?

 Qofka muslimka ahi waa in uu leeyahay jadwal nololeed uu ka caado dhigto.

jadwal-nololeed


Haddii aad tahay arday, macallin, waalid, sheekh amaba shariif, waa in jadwalkaaga nololeed ku suntanaadaa saddex saami.

1- saamiga 1aad waa : in jadwalkaagu ka dhisnaadaa xidhiidhka aad la leedahay Alle SW, oo cibaadadii ah. cibaadadu waata aynu u unkannahay, ee u noolnahay. kolka laga imaaddo faralka, waa in ay jiraan cibaadooyin kale oo noloshaada maalin laha aad ku qurxiso, sida : quraan akhris, duco, istiqfaar, salaaddo sunan ah, sadaqo, iyo acmaasha wanaagsan ee kaa caaawinaysa in aad taskiyayso ama daahiriso naftaada. 

2- saamiga 2aad waa: in jadwalkaagu ka dhisnaado jaanibka korriinka maskaxeed iyo tadawwurka fikir.      si kale haddaan u dhigo; waa in maalinntaada ay ku jiraan wakhti aad wax akhriyayso, aqoon-korodhsi samaynayso oo aad u korayso maskax ahaan. dabcan, haddii aad arday dugsi sare ah aad tahay, amaba heer jaamacadeed aad gaadhay, kaliya ma aha in aad ku eekaato intaa aad goobta waxbarasho ka soo qaadatay uun. mararka qaar waa inaad isku dayi karto in aad akhrido wax ka baxsan oo la xidhiidha waaxyaha badan ee aqoonta. waa in aad ugu yaraan la socoto waxa adduun weynaha ka socda, iyo isbedellada dhacaya.

3- saamiga 3aad waa : in jadwalkaagu ka dhisnaado xaqqa ay naftaaddu kugu leedahay. xilliga ay nasanayso, xilliga ay baraha bulsadda isticmaalayso, xilliga ay seexanayso, xilliga ay xaafadda iyo family-ga caawinayso, xilliga ay jimicsanayso, caafimaadkeeda oo aad la socoto iyo ilaalin maskaxeed iyo mid jidheed oo aad siinayso. 

in aad saddexdaas saami ka haqab-tirtaa waxa ay kaa saacidi doontaa in aad noloshaada isku miisaanto, oo aannu kugu dhicin "over-load" ama culays saa'ida oo nafsad ahaan ku soo wajahda. waxa kale oo ay kaa dhigi qof muslima oo wax soosaar leh " productive muslim".


salaam.

Post a Comment

1 Comments